Safiirkii Soomaaliya ee Kenya Amb. Tarsan oo ka soo degay garoonka Muqdisho

0

Safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg uga baxo dalkeeda.

Diyaaradda siday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Seynab oo maalmahan ku sugneyd Nairobi.

Sidoo kale waxaa diyaaradda la socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo gaaray Nairobi, isagoo ka soo laabtay dalka Sweden.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay Safiirkii Soomaaliya, wada tashina ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya.