DHAGEYSO:-Madaxweyne Deni Oo Shaaciyay Qorshaha Al-Shabaab Iyo Daacish Looga Saarayo Deegaanada Puntland

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Siyaasada amniga iyo arrimo kale oo dhowr.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni in uu xooga saari doono inta uu xilka haayo arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland,

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in dib u habeyn lagu sameeyn doono laamaha amniga dowlad Goboleedka Puntland,isla markaana ay heli doonaan Xuquuqa Mushaaraadkood ay leeyihiin.