AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya [Warbixin]

0

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeey labada dal ee dhinaca xuduuda badda, taasoo soo jiitameysay muddo 10 sano ah.

Tallaabadii shalay ay qaaday Kenya ee ay Safiirkeeda ula noqotay, kuna amartay inuu dalkeeda ka baxo Safiirkii Soomaaliya, waxaana arrintan ay keentay su’aalo kala duwan.

Inkastoo dowladda Kenya ay sal uga dhigtay go’aankeeda in Soomaaliya ku soo xadgudubtay, isla markaana ay xaraashtay shidaalka ku jira dhul badeedkeeda, waxaa loo arkaa mid qar iska tuur ah oo ay ku xalaaleyneyso dhulka ay labada dal ku muransan yihiin ee ay dacwadeeda taal Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague.

Dadka odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in qeylada ka soo yeertay Kenya uu xooggiisa ku wajahan yahay arrinta muranka Badda oo ay dooneyso inay Soomaaliya ku cadaadiso in wada hadal hoose lagu xaliyo, maadaama looga gacan sareeyo dacwada taal Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Soomaaliya iyo Kenya sanadihii u dambeeyay xiriirkooda waa uu wanaagsanaa, waxaa loo arkayay xiriirka labada dal inuu bog cusub u furmay, kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo 8 February 2017-dii.

Hadaba muxuu noqon karaa Jawaabta ugu haboon ee ay Soomaaliya ka bixin karto go’aanka Kenya

1- In Soomaaliya aysan gorgortan ka gelin buqcadaha shidaalkeeda.

2- in muranka xuduudka badda ee labada dal aanay Soomaaliya aqbalin wada hadal hoose, laguna kala baxo go’aanka Maxkamadda ICJ

3- Haddii Kenya ay ixtiraami weyso madax bananida daleed, dhuleed iyo tan badeed ee Soomaaliya in xiriirka diplomaasiyadda hoos loo dhigo, haddii ay waantoobi weysana loo jaro

4- Ganacsiga qaadka in laga mamnuuco guud ahaan dalka

5- Hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya in lagu qasbo inay ka guuraan Nairobi ayna Muqdisho ama mel Soomaaliya ogol oo ku dhow degaan.

6- Ciidanka Kenya ee AMISOM in dalkooda ku laabtaan