AKHRISO:- Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Sucuudiga kala hadlaya arrimaha dhoofinta Xoolaha

0

Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxeyna ku sii jeedaan wadanka Sucuudi Carabiya.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed (Khadar), waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Safarkooda oo qaadan doona mudo Todobaad ah, ayaa waxa ay ku hormari doonaan magaalada Riyaadh ee xarunta Sucuudiga, halkaasoo ay kula kulmi doonaan Madaxda Boqortooyada Sucuudi carabiya iyo sidoo kale Jalaiyada Soomaaliyeed, iyagoo soo joogi doona laba Cisho.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka, ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha deyn Cafinta, kabka dhaqaalaha, Dhoofinta Xoolaha iyo sidii Acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Booqashadooda Riyaadh kadib waxey u sii gudbi doonaan magaalada Jidah, halkaasoo ay kulamo ku saabsan sidii loo dhoofin lahaa Xoolaha Soomaalida ay kula qaadan doonaan Masuuliyiinta Sucuudiga shir socon doono laba Cisho.

Guddi ay horey dowlada federaalka ugu saartay in ay wada-xaajood la sameeyaan dowlada Sacuudiga si xoolaha Soomaaliya xayiraada looga qaado, ayaa bartamihii sanadkii hore sheegay in Sacuudigu uu fasaxay iib geynta dalkiisa ee xoolaha nool ee soomaaliya, waloow aan wali arintaas la dhaqan gelin.