AKHRISO:- Mas’uuliyiin Ka Tirsan Degmada Qoryooley Oo Ku Dhaawacmay Dagaal Ka Socda Degmadaas

0

Wararka Caawa aan ka heleyno Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan.

Dagaalkaasi ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Degmada Qoryooley,waxaana intaasi ka dib xigay dagaal toos ah uu u dhexeeyo Ciidamada dowlada Al-shabaakii weerarka soo qaaday,waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Guddoomiyaha kuxigeenka dhinca Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Allgalgaduud ayaa u xaqiijiyay in dagaalka Caawa ka socda gudaha Degmada Qoryooley ay ku dhaawacmeen Guddoomiyaha Degmadaasi ,kuxigeenkiisa,Xoghayaha iyo Taliyaha deegaanka Qoryooley,kadib markii guri ay ku jireen uu ku soo dhacay Madfac.