DHAGEYSO:-Muuse Biixi oo Wajihi Doona Kacdoonkii Ugu Cuslaa Xilkana u Qoonsan Kara

0

Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wajihi doona kacdoonkii ugu weynaa ee kaga imaanaya shacabka kunool deegaamada maamulkaasi ayna dabada ka riixayaan qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee deegaamada Somaliland.

Waxaa la sheegay in xisbiga Kulmiye uu tobankii sano ee la soo dhaafay Somaliland geliyey baxar uuna galay heshiisyo aysan xanbaari karin sida laga soo xigtey xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi .

Nuuradiin ayaana tusaale u soo qaatay heshiiskii Somaliland la gashay Imaaraatka Carabta, kaasi oo ay kula wareegeen dekada Magaalada Berbera, isaga oo sheegay in dhaqaalaha ku baxay heshiiskaasi inaan looga faa’ideyn Shacabka Somaliland.