Al-Shabaab oo sheegtay in askar cadaan ah ay ku dileen Ballidoogle

0

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa waxaa ay ugu hadleen madaafiic ay ku weerareen xerada Ballidoogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen sedex askari oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ee ku sugan deegaanka Ballidoogle.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay mareykanka, kaasi oo ku aadan inay faahfaahin ka bixiyaan madaafiicda ay Al-shabaab ku tuureen xerada Ballidoogle.

Al-shabaab ayaa mararka qaar waxaa ay madaafiic ku weeraraan saldhigyada ay joogaan Ciidamada xoogga dalka.