Somalia Oo Qayb Ka Ah Korjootada Doorashada Nigeria

0

Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Sooomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa kamid ah korjoogtada caalamiga ah ee Midowga Afrika uga qaybaleysa doorashada guud ee dalka Nigeria.

Kormeerayaasha ka socota AU-da ayaa waxaa madax u ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn, waxaana waajibkoodu yahay indhadheynta qaabka ay u qabsoomeyso cod-bixinta.

16-ka Febraayo oo maalinta berri ah ku beegan ayay dhaceysaa doorashada madaxtinimada Nigeria, taasi oo ay ku tartamayaan musharaxiin dhowr ah, iyada oo la rajeynayo in ay coddeeyaan 80 milyan oo ruux.

Kormeerayaasha oo tegi doona dhamaan goobaha cod-bixinta ee gobolada kala duwan ee Nigeria ayaa doorashada kadib waxa ay soo saari doonan warbixin ku saabsan doorashada iyo sida ay u qabsoontay.