DHAGEYSO:-Shacabka Dharkenley oo ka cabanaya Koox Burcad ah

0

Xilliyada habeenkii ayaa waxaa xaafado ka tirsan degmada dharkenley ee Gobolka Banaadir ka bilaawday dhac ay geysanayaan hubeysan hubeysan oo la sheegay in ay dadka guryaha ugu galayaan.

Qaar ka mid ah dadka ku nool waaxda sedexaad ee degmada Dharkenley ayaa waxaa ay sheegeen in kooxaha hubeysan ee burcada ah todobaadyadii la soo dhaafay ay ku soo bateen xaafadaas,isla markaana ay yihiin kuwo dadka guryaha ugu galaya, kuna labisan dareeska Ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in wax dhibaato kale oo ay u geysanayaan inaysan jirin balse wax walbo oo guryaha yaalla ay qaadanayaan.