DHAGEYSO:-Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada Jubbaland?

0

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad-goboleedka Jubbaland oo uu shir guddoominaayey Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa warbixinno looga dhegaystay wasaaradaha Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Howlaha guud iyo Macdanta iyo Biyaha.

Wasiirka Kalluumeysiga Jubbaland Ibraahim Cabdi Xassan Baajuun iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed oo kulamo uga qayb galay magaalada Mugdisho ayaa warbixinno looga dhagestay shirka.

Sidoo kale shirka golaha wasiiradda Jubaland waxaa warbixin la xiriirta halka ay marayaan dhismeyaasha xarumaha wasaaradaha Jubbaland looga dhegaystay wasiirka Howlaha guud ee Jubbaland Ismaaciil Axmed Garas