Akhriso:-Koox dhac ka geystay Galinsoor oo gacanta lagu soo dhigay.

0

Ciidamada Saldhiga Booliska Dagmada Galinsoor ayaa gacanta ku dhigay laba Nin oo Galinsoor Ka dhacay Gaari Nooca Raaxada ah oo Marayey wadada Laamiga ah.

Howlgalka ay Boolisku sameeyeen ayey waxaa ay gacanta ku soo Dhigeen Gaarigii iyo labadii Nin ee dhacey, iyadoo xabsiga loo Taxaabey Labadii nin ee Gaariga Dhacey.

Booliska ayaa Gaariga ku wareejiyey wadihii Gaariga laga Dhacey, waxaa ayna sheegeen in sharciga la Horgayn doono kooxda ay gacanta ku soo dhigeen.

Inta badan koox burcad ah ayaa waxaa ay dhac ka geystaan deegaano hoostaga Galinsoor.