Akhriso:-Xiisad Ka Taagan Degmada Baardheere Iyo Ciidamo La Wareegay Xarunta Degmada

0

Wararka aanu ka helayno magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo milatari ah ay la wareegeen xarunta uu ku shaqeynayay maamulka magaalada,Ciidankaan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay la wareegeen goobaha muhiimka ah sida Xurnta degmda iyo Saldhiga halkaas oo ay xirteen.

Ciidanka la wareegay magaalada waxaa ka soo baxaya warar kala duwan iyada oo wararka qaarkood ay sheegayaan in ciidamadaan ay ka amar qaataan Gudoomiye ku xigeenka degmada Ismaaciil Sheeikh Axmed oo ka gadoodsan sida la sheegay isbedel lagu sameeyay maamulka maalin ka hor