SAWIRRO:-Faah Faahin Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qarax gaari lagu xiray ayaa  waxa uu ka dhacay laami yaraha Soobe ee Magalada Muqdisho,waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Gaariga oo lagu xiray miinada nooca dhajiska ayaa waxaa warar aan helnay ay sheegayaan in uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar,balse uusan saarneydn xilliga uu qarxayay.

Darawalkii Gaariga ayaa qaraxaasi ku geeriyooday,waxaa sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Saddex ruux oo laba ka mid ah ay saarnaayeen Mooto Bajaaj iyo qof kale oo gaariga saarnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa tegay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka iyo dhaawaca.