DHAGEYSO:-Gen Muxyadiin”Argagixisadu waxay gashay jaamacadaha macaa’hidadda & iskuulada

0

Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hawlgallada oo weli socda, ayaa taliyuhu sheegay in lagu soo qa’qabtay, dad kala duwan oo ku eedaysan;  argagixiso, tahriibin iyo dhalinyarada abaabulan ee dhaca iyo boobka u geysta shacabka magaalada, kuwaasoo baaritaan lagu wado, sida uu xusay.