SAWIRRO:-Jubbaland Oo War Ka Soo Saartay Weerar Ka Dhacay Gobolka Jubabda Hoose

0

Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Jamaamee e Gobolka Shabeellaha Jubbada hoose,halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

Howlgalkaas ayaa waxaa uu ahaa mid sida ay saraakiisha Ciidamada Jubbaland sheegeen looga hortagayay weeraro ay qorsheynayeen Al-Shabaab,isla markaana ay ka qeyb qaateen ciidamada Taliska 43-aad iyo kuwa Jubbaland.

Howlgalka ayaa saaka waaberigii hore waxa ay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen meel u dhow deegaan lagu Magacaabo Kobon,waxaana saraakisha Ciidamada Jubbaland ay soo bandhigeen waxyabaha qarxa oo ay sheegeen inay howlgalkaas kusoo qabteen.

Khasaaro ayay sheegen saraakiisha Jubbaland ay ay Al-Shabaab howlgalkaas ugu geysteen wallow aysan soo bandhigin,hayeeshee waxa ay sheegeen inay ku qabsadeen Qoryaha nooca Garbaha laga tuuro,sidoo kalena ay soo saareen Miinooyin gaaraya ilaa 20,kuwaas oo wadada lagu aasay.

Warkaan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli dhankooda kama hadlin Al-Shabaab,hayeeshee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa horay ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.