Kulankii Saddexaad Ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Oo Baaqday

0

Xildhibaanada Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka baaqday Saddex kulan oo la filayay inay yeeshaan,kadib markii ay kasoo laabteen fasax laba bilood ah oo ay Xildhibaanadu galeen.

Kulankii Saddexaad kal-fadhigiisa 5aad ayaa todobaadkaan baaqday,waxaana Xildhibaanadu ay todobaadkii yeelan jiraan Saddex kulan oo kala ah maalmaha Sabtida,Isniinta iyo Arbacada,sida ku qoran jadwalkooda kulamada,hayeeshee la warsugayo in uu qabsoomo kulanka Beri oo Arbaco ah.

In kastoo aysan sidhab ah u soo bixin waxyaabaha sababay inay baaqdaan dhowrkaas kulan ayaa hadana,waxa jirtay in qaar ka tirsan Golaha Wakiilada Hir-Shabeelle ay dalsan u sheegeen in Xarunta Baarlamaanka ay la wareegeen ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Waare,isla markaana loo diiday inay ku shiraan.