SAWIRRO:-Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha G/Sh/Hoose oo Maanta ku wajahan Baraawe

0

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo Wafdi uu hogaaminayo  ayaa maanta waxaa ay ku sii jeedaan degmada Baraawe ee Gobalkaasi.

Wafdiga  Guddoomiyaha ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda soomaaliya.

Amaanka magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa degmada Baraawe u tagaya sidii ay u qiimeyn lahaayeen xaalada dhabta ee xilligan ka jirta degmadaasi.