Midowga Africa Oo Ku Baaqay In La Caawiyo Qaxootiga Soomaaliyeed

0

Guddoomiyaha guddiga amniga iyo nabadda Midowga Africa Smail Chergui oo magaalada Addis Ababa maalintii labaad uga qeyb galaya shir madaxeedka 32-aad ee Midowga Africa ayaa madaxda dowladihii shirkaasi ka soo qeyb galay ka codsaday in ay qaxootiga Soomaaliyeed ka caawiyaan, sidii ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah.

Smail Chergui ayaa khudbad uu ka hor jeediyay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka ku sheegay in ay muhiim tahay in ay dardar galiyaan, kana qeyb qaataan barnaamijyo qaxootiga Soomaaliyeed looga caawinayo in ay helaan biyo nadaafadoodu ay sareyso, maadaama shirka intiisa badan looga hadlayay arrimaha qaxootiga qaaradda Africa.

Sidoo kale guddoomiyaha guddiga amniga iyo nabadda Midowga Africa ayaa tilmaamay in colaadaha iyo abaarihii ku dhuftay Soomaaliya ay sababeen in boqolaal qoys ay ka barakacaan deegaanadooda, isla markaana xilligan ay u dib u jadin rasmi ah.