Kooxo Hubeysan Oo Ganacsade Ku Dhaawacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dhaawac maanta nin ganacsade ah loogu geystay xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ganacsadaha la dhaawacay oo maqaayadle ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Abshir Muxudiin, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Kooxo ku hubeysnaa bastoolada ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen falkaasi, iyagoona goobta isaga baxsaday.