Dil iyo Dhawac ka dhashay Weerar ka dhacay Degmada Galgodob ee Gobolka Mudug

0

Magaalada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa xalay dablay hubaysan waxay weerar ku qadeen Dad shacab ah oo xiligaasi fadhiyey Goob lagu shaaheeyo oo ku taal Bartamaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey Hal qof ayaa geeriyooday 4 kalana dhawac ayaa soo gaaray kadib Rasaas ay dablay hubaysan ku furtay dadkaasi oo fadhiyey Meherada.

Dablaydan oo la aqoon haybtooda ayaa isaga baxday goobtaasi kadib markii ay Rasaastaasi ku fureen dadka shacabka mana jirto cid loo qabtay falkaasi.