Ciidanka Jubbaland oo howlgallo kasameeyay deegaanada dhaca waqooyiga deegaanka Baar-sanguuni

0

Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo kasameeyay deegaanada dhaca waqooyiga deegaanka Baar-sanguuni

Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa xarumaha ku leh Baar-sanguuni ayaa howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanada Baar-sanguuni kaga beegan dhanka waqooyi.

Ciidamada Darawishta Jubbaland oo wata gaadiid fara badan iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa hadda ku sugan deegaanka koban waxaana ay ku raad joogaan kooxda alshabaab oo doonaya in shacabka soomaaliyeed ee beeralayda ay dhibaateeyaan islamarkaana ay miinooyin wadada hareeraheeda ay galiyaan.

Saacadihii lasoo dhaafay ayey ahayd markii ay afar miino oo kuwa dhulka lagaliyo ah ay soo saareen ciidamada daraawiishta gaar ahaana kuwa u tababaran kahortagga waxyaabaha qarxa.

Bilowgii sanandkaan ayaa deegaanada u dhaw Baar-sanguni ayaa lagu dilay in badan 70 kamid ah maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.