SAWIRRO:-Ciidamada Nabadsugida Jubbaland Oo Soo Bandhigay Waxyaabaha Qarxa

0

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa soo bandhigay waxyaabha qarxa oo ay sheegeen in lagu aasay Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay Miino nooca dhulka lagu aaso ah kasoo saareen inta u dhexeeysa deegaanada Muuse Xaaji iyo Araare ee Gobolka Jubbada Hoose,halkaasi ay sheegeen in ay ka wadaan howlgal ka dhaan ah Al-shabaab.

Sidoo kale Nabadsugidda Jubbaland ayaa sheegtay in ay soo saareen miinooyin gaaraya ilaa iyo Afar Miino,isla markaana uu weli socdo howlgal Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan Jubbaland.