Mareykanka oo sheegay in duqeyn ka dhacday Jubbada hoose ay ku dileen Al-Shabaab

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africom ayaa waxaa looga hadlay duqeyn  iyo weerar ay ciidamada mareykanka iyo kuwa Xoogga dalka  ka fuliyeen Gobalka Jubbada hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi loo geystay Dagaalamayaal ka tirsan  Al-shabab lagana hortagay qorshe weerar ah oo ay damacsanaayeen AL-shabaab, ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale taliska Mareykanku ma sheegin tirada weerarkaasi ee waxyeellada ka gaartay Al-shabaab sidii looga bartay,

Qaraalka Mareykanka waxaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha inta laga hortagayo  Khatarta Al-shabab.