Dil Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa ay gudaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay Xaafadda Barmuud,isla markaana loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Canshuur,kaasi oo xiliga uu dilka ka dhacayay ku sugnaa Nawaaxiga Xaafadaasi ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.