AKHRISO:- Nabadoon xalay lagu dilay Gaalkacyo

0

Nabadoon Caan ka ahaa Magaaladda Gaalkcyo ee xarunta gobalka mudug dhinaca Puntland ayaa xalay lagu dilay Magaaladas,iyaddo nabadoonka lagu magacaabi jiray Cabdiqani Baale.

Dad goobjoogayaal ah aya Allgalgaduud u sheegay in dilka uu ka dhacay Xaafada Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,isl markaana loo geystay mid kamid ahaa Nabadoonada halkaasi ku dhaqan.

Ciidamo ka tirsan maamulka Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay in goobta uu dilka ka dhacay ay tageen,waxaana halkaasi ay bilaaben baritaanoo ku aadan sida uu falkan u dhacay.