SAWIRRO:-Maxaa ka jira in Sokor laga soo diiday Kenya laga dejinayo dekeda Muqdisho?

0

Dekedda Muqdisho ayaa waxaala sheegay inuu ku soo xirtay maalmo ka hor Markab siday sokor dhan 40.000tn taasoo laga soo diiday inuu ku dejiyo dekedda Mombasa ee dalka Kenya dabayaaqadii sanadkii 2018 halkaasoo markii hore qorshuhu ahaa in laga dejiyo.

Sokortan oo tayo ahaan la sheegay iney xumaatay ayey dowlada Kenya amartay in lagu celiyo waddanka Brazil oo laga soo daabulay markii hore.

Amarka dib u celinta Markabka siday Sokorta ayaa soo baxay kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya  uu diiday in Sokortaasi gasho Kenya sabab la xiriirta dhinaca tayada iyo Bedqabka oo liidatay.

Hay’ado kala duwan oo ay kamid yihiin maamulka canshuuraha, Maamulka dekedaha, ciidanka Badda iyo adeegga sirdoonka Qaranka Kenya ayaa isku raacay in Sokortani aanay tayo iyo bedqab ahaanba la ogolaan karin in dalkooda lagu dejiyo.

Markabka MV Iron Lady ayaa ka dib ka soo shiraacday dekedda Mombasa ee dalka Kenya isagoo sida Sokortii dib loogu soo celiyay, balse xiriir dhexmaray ganacsato Soomaali ah oo iska leh sokortan iyo siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa fududeeyey in Sokortaas xumaatay laga soo dejiyo Muqdisho.