DHAGEYSO+SAWIRRO:-RW Ku Xugeenka Dalka Oo Kulamo Ka Wada Magaalada London

0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gaaray Magaalada London ee dalka Ingiriiska,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha London ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalka Ingiriiska.

Waxa uu sheegay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) in uu aad uga faraxsan yahay in uu yimaado UK,isla markaana la kulmo Jaaliyadda Soomaalida ah ee kunool dalkaasi.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska.