DHAGEYSO:- Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay shirki shidaalka iyo Arrimo Xasaasi ah oo Niyad jab so wajahay mucaradka

0

Raiisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa markale weerar afka ah ku qaaday mucaaradka dowlada iyo dadka kasoo horjestay shirkii looga hadlayay shidaalka Somalia ee lagu qabtay magaalada London ee dalka ingiriiska.

Cali Maxamed Geedi ayaa taageray shirkii shidaalka Somalia ee lagu soo gaba gabeyay London waxana uu sheegay in shidaalka Somalia oo lasoo saaro ay wax badan ka faa’idi doonaan shacabka soomaaliyed isla markaana ay muhiim tahay in lagu taagero dowlada madaxweyne Farmaajo.