AKHRISO:- Howlgalkii ugu xoogana oo wali ka socda Boosaaso

0

Ciidamada Booliska dawlada Puntland ayaa magaalada Boosaaso waxay ku qabteen Hawlgal lagu xoojinayo Aamnka magaalada Boosaaso waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu qabtay dad u badan dhalinyaro.

Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Ciidamo uu hogaaminayo oo Gaaray magaalada Boosaso ayaa xalay hawlgalkii ugu horeeyey ka bilaabay waxaana ay gacanta ku dhigeen 17 Dhalinyaro ah kuwaas oo qaarkood loo haysto Dhaca Mobileda iyo dilalka qorshaysan ee ka dhaca magaalada Boosaaso.

Dhalinyarada la qabtay ayaa 6 Kamid ah ay yihiin dhalinyarada Baalashlayaasha ah iyadoona la waydiiyey 19 Su,aalood iyagoo qaarkood aysan Puntland u joogin wax Ehel ah qaar kamid ah dhalinyaradaasi ayaa lasii daayey halka kuwo kalana wali ay xiranyihiin.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Mudane Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa madaxweynaha Puntland siciid C/laahi Dani wuxuu u diray Taliyaha Boolika inuu soo Afjaro Dilalka qorshaysan ee ka dhacaya gobolka Bari.