Afduub ka dhacay Magaalada Gaalkacyo & xiisad ka dhalatay oo ka taagan

0

Saddex dhalinyaro ah oo ka soo Jeeda Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa lagu afduubtay Koonfurta magaaladaas oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

Xiisad ka dhalatay afduubkan ayaa la sheegayaa iney ka aloosan tahay Magaalada, iyadoo arrintan si weyn looga hadal hayo labada qeybood ee magaaladaas.

Ragga la afduubtay ayaa la sheegay in loo haysto rag ku eedaysan burcad-badeednimo oo ku xiran xabsi ku yaala magaalada Garoowe, kuwaasoo ay isku heyb yihiin kooxda wax afduubatay.

Labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaan illaa hadda ka hadlin dhacdadan oo ku soo beegantay xili uu magaalada Gaalkacyo ku sugan yahay Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).