Q.M oo sheegtay in sucuudiga uu xanibay in la baaro dilka wariye Jamaal khaashuqji

0

Sacuudi Carabiya ayaa “si xad dhaaf ah waxa ay u xannibtay una wiiqday” awooddii Turkiga uu ku baari lahaa dilka Jamaal Khaashuqji, khabiir Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sidaasi sheegtay.

Warbixin hordhac ah oo ku saabsan baaritaanka ayaa waxa ay sheegaysaa in Turkiga aanan loo ogolaan inuu galo qunsuliyadda muddo 13 cisho ah halkaas oo ah goobta lagu dilay weriyaha.

Khaashuqji ayaa markii ugu dambaysay ee la arko isagoo nool waxa uu galayay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2 bishii Oktoobar ee kal hore.

59-jirkan ayaa waxa uu caan ku ahaa dhaleecaynta Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

Sarakiisha Mareykanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay sheegeen in howlgalka noocaas oo kale ah uu u baahnaa inuu ansixiyo Amiirka.