AKHRISO:- Sierra Leone oo looga dhawaaqay xaalad qaran oo degdeg ah

0

Madaxweynaha Sierra Leone Julius Maada Bio ayaa dalkiisa kaga dhawaaqay xaalad degdeg kaddib markii falal kufsiga ah iyo tacaddiyadda dhanka galmada ah ay dalkaasi kusoo bateen.

waxaa uu sheegay in dadka lagu helay dambiga ah inay geysteen tacaddiyadda dhanka galmada ah ay wajahi doonaan xabsi daa’in.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli dalkaasi ay ka dhalatay caro markii kufsi loo geystay gabar yar oo 5 jir ah sanad ka hor, qaar kamid ah xubnaha jirkeeda ayaa qalashay.

Booliska Sierra Leone waxay sheegeen inay diiwan geliyeen kiisas kufsi oo gaarayo 8,500.