Shirka kheyraadka Shidaalka Soomaaliya oo maanta ka furmaya London

0

Muran badan ayaa ka dhashay shirkaan lagu sheegay in maanta uu ka furmayo magaalada London ee dalka Ingiriiska gaar ahaan hotel ku yaalla halkaasi ee lagu magacaabo clridges.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka batroolka iyo macdanta ee xukuumadda soomaaliya cabdirashiid Maxamed axmed iyo shirkado ajaanib ah kuwaa oo daneenaya shidaalka iyo macdanta soomaaliya.

Warar la isla dhexmarayay maalmihii dambe ayaa waxaa lagu sheegayay in shirka maanta furmaya lagu xaraashayo shidaalka iyo macdanta soomaaliya xirmooyin gaaraya illaa iyo 50, hayeeshee ka dhigan 173KM dhul gaaraya.

Balse wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor ayaa waxaa uu sheegay inuusan jirin wax xaraash ah oo lagu sameynayo shidaalka soomaliya hayeeshee ay tahay kaliya sahmin lagu sameeyay shidaalka soomaaliya oo lasoo bandhigayo.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya iyo madaxdii horay ee soomaaliya soo hoggaamisay ayaa ka horyimid shirkaan iyaga oo sheegay in haatan aysan suurta gal ahayn in shidaalka soomaaliya shirkado ajaanib ah ay xaraashaan arrintaanne ay keeni karto qalqal siyaasadeed iyo mid amniyeed intaba.

Dadka daneeya siyaasadda soomaliyo iyo shacabka soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya shirkaan maanta furmaya waxyaabaha looga hadlo iyo qodobada kasooo baxa intaba maadaama uu yahay shir qaadanaya maanta kaliya.