DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo oo Garsoorayaasha Dalka ugu baaqay in ay shaqadooda wanaajiyaan

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi farmaajo, ayaa Garooyashaa Maxkamadaha Dalka u soo jeediyay in ay shaqadooda wanaajiyaan si uu hoggaanka Dalka u noqdo mid toosan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Xaflad lagu soo xirayay Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka oo Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho,ayaa muhiimadda kulankani ku tilmaamay mid lagu qiimeynayay wixii qabsoomay iyo in dib loo milicsado wixii qabsoomay Sanadihii la soo dhaafay, taas oo aqoon koronsi u ah howl-wadeennada Garsoorka Dalka.

Shaqada Garsooraha ayuu ku tilmaamay tan ugu wanaagsan, maaddaama uu yahay Qof u xil-saaran in uu kala saaro xumaha iyo wanaagga, kaas oo ah haya mas’uuliyad sharafeed, isla markaana ah shaqsi u soo kallaha inuu raadsado ajir, wixii uu qaldona lagula xisaabtamayo Adduun iyo Aakhiro.

“Ninka Garsooraha ah waa mid u dhexeeya Ummadda oo dhan, hadduu wax wanaagsan ka shaqeeyo, Caalamka oo dhan ayay wada taabanaysaa,halkan bay caddaalad usoo doonanayaan, hadduu wax xun ka shaqeeyana sidoo kale, halkiis oo uu halleeyo ayaa sharafkii Soomaaliya halleynaya, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu sheegay Madaxweynahu in Caalamka uu qiimeyn ku sameynayaa sida ay Maxkamadaheenna u qabtaan dacwadaha iyo sida uu Garsoorku u shaqeeyo, isagoo sheegay in howsha Garsoorka oo wanaagsanaata ay sare u qaadi karto sumcaddeenna.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Sanadkan gudahiisa la dhisi doono Guddiga Adeegga Garsoorka, lana marsiin doono Baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna ku ammanay howl-wadeennadu sida ay ugu Dharar adaygeen shaqada culus ee ay Qaranka u hayaan.