AKHRISO:- Guddoomiye Mursal oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti [Farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo]

0

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulmay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo bishii December ee sanadkii hore laga soo xiray magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa ka dhacay guri uu xabsi ku yahay Mukhtaar Roobow oo ay gacanta ku heyso Hey’adda NISA, kaasoo ku dhow xarunta Dhexe ee NISA ee loo yaqaano Guriga Habar Khadiijo.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in kulanka la isku soo qaaday arrimaha xarigiisa, shaqaaqooyinkii ka dhashay sidii loo xalin lahaa iyo qaabkii lagu sii deyn lahaa.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa la sheegay in Mukhtaar Roobow ka raalli geliyay qaabkii loola dhaqmay iyo dhibaatooyinkii ka dhashay markii la soo xisay, isagoo u sheegay inuu diyaar u yahay in wax kasta oo tabasho ah miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xilligii la soo xiraya aanu isaga xil heyn, isla markaana haatan uu dadaal ugu jiro sidii loo sii deyn lahaa, Madaxda dowladda Federaalka kala hadlay

Wararka ayaa sheegay in kulanka ka hor uu Madaxweynaha Koofur Galbeed uu la kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.