AKHRISO:- Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo beeniyay in Ciidamo la wareegeen xarunta Baarlamaanka

0

Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa maanta shir isugu yimid magaalada Jowhar, iyagoo kaga hadlay ciidamo shalay tagay xarunta Baarlamaanka Hirshabelle, kuwaasoo la sheegay in ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka Hirshabelle.

Wasiirka Wasaarada Boostada,Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyda Maamul Goboleedka Hirshabelle Cabdiweli Sheekh Cali kana mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa beeniyay in xarunta Baarlamaanka Hirshabelle ay ciidamo la wareegeen shalay isagoo sheegay in si qalad ah loo tarjumay fal ka dhacay xarunta Baarlamaanka Hirshabelle.

Cabdiweli Sheekh Cali oo ka hadlayay maanta magaalada Jowhar kadib markii uu soo dhamaaday shir ay yeesheen golaha wasiirada Hirshabelle ayaa sheegay in ay ciidamo gaadiid tikniko ah watay oo howlo shaqo u aaday xarunta baarlamaanka iyo ciidamadii ku sugnaa xarunta baarlamaanka ay kala shakiyeen.

“Muuqaalo laga soo duubay ciidamada AMISOM ee koofiyada buluuga leh oo jooga xarunta Baarlamaanka ayaa ahaa ciidamada ilaalada ka ahaa xarunta Baarlamaanka mana jirin shir ay lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka, waana beenineynaa arrintaas.”ayuu yiri
Wasiirka Wasaarada Boostada,Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyda Cabdiweli Sheekh Cali
Shir aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirada Hirshabelle maanta yeesheen ayaa waxaa ay ugaga hadleen qodobo ay ka mid yihiin in la xoojiyo howlaha golaha wasiirada Hirshabelle waqtiyo dheeraad ahna ku daraan howlaha u yaal.

“Qoddobada shirka ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa ciidamo cusub oo ka mid ah ciidamada Booliska dowlad goboleedka Hirshabelle qaabka loo xulanayo iyadoo la isku raacay in ciidamo tayo leh loo tababaro Maamulka Hirshabelle.”ayuu yiri afhayeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu shirku soo dhamaaday.