SAWIRO:- -Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Ambabaxay Magalada Muqdisho & U Jeedka Safarkiisa Oo La Shaaciyay

0

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xashi Cabdillaahi.

Wafdi oo ka kooban Xubno ka tirsan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay kusii jeedaan Magaalada Seoul oo ah Caasimada Jamhuuriyadda Kuuriyada koonfureed.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa wafdiga Garoonka Diyaaradaha kasii sagootiyay,waxaana dalka Jamhuuriyadda Kuuriyada koonfureed uga qeybgeli doonaan Kulan Caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Nabada Aduunka.