AKHRISO:- Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare oo ka soo horjeestay Shirka Shidaalka ee London

0

Guddiga Kheyraadka Qaranka ee Aqalka Sare ayaa ka soo horjeestay shirka looga hadlayo Shidaalka ee maalinta berri ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.

War saxaafadeed ka soo baxay Guddigan ayaa lagu sheegay in shirka lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya uu yahay mid aan waafaqsaneyn sharciga.