SAWIRRO:-Maamulka Jubbaland Oo Kismaayo Kusoo Bandhigay Waxyaabaha Qarxa

0

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay Magalada Kismaayo kusoo bandhgeen Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ay sheegeen inay fashiliyeen.

Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ee ku sugnaa goobta lagu soo bandhigayay Miinada ayaa waxa ay sheegeen in lagu aasay xaafada Via-Afmadoow Waaxda Buulafatuuro ee Magalada Kismaayo.

Hayeeshee sida ay sheegeen la doonayay in dadka Shacabka ah lagu dhibaateeyo,waxaana ay sheegeen in Al-Shabaab ay Miinadaasi dhulka geliyeen.