DHAGEYSO:-Dagaal Markale Ka Dhacay Degmada Balcad

0

Dagaal kooban oo daqiiqado socday ayaa Maanta markale waxa uu ka dhacay gudaha degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaas oo salka ku haya xiisad maalmahaan ka taagneyd degmadaas.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegay in mar qura ay ka warheleen dagaal ka socda gudaha degmada,hayeeshee uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaas maanta markale ka dhacay degmada balcad.