DHAGEYSO:-Abaanduulihii Guutada 12-ka April iyo askar kale oo lagu dilay Qarax miino

0

Wararka ka imanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay Abaanduulaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Col. C/salaan Aadan Kurjow.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aado ayaa qabsaday gaari Ciidan uu uu saarnaa Abaanduulka, isagoo xiligaasi ka sii baxayay lagula eegtay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koofurta Muqdisho, gaar ahaan dhanka wadada Xeebta.