Sidee loo Toogtay Maareeyihii DPWorld ee Dekadda magaalada Boosaaso?

0

Waxaa Saaka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland lagu dilay Agaasimihii Shirkadda lagu magacaabo P&O oo hoostagta Shirkadda lagu magacaabo PD World oo gacanta ku heysa dhismaha Dekedda Magaalada Boosaaso.

Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa oo kasoo jeeda Dalka Talyaaniga ahaana madaxa DP World ee dekadda Bosaaso tan iyo Bishii Oktoobar 2017.

Dilka waxaa uu ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn Dekedda Boosaaso, waxaana ninkaan toogtay wiil yar oo la sheegay in uu ka mid ahaa kuwo kabaha Caseeya siddaas xaqiijiye Hay’addaha Ammaanka Puntland.

Waxaa uu tagay goob ay degan yihiin Kaluumaysato ka cabanaysay go’aamo ay soo saartay shirkadda DP World oo ahaa inay isaga guuraan goob shirkaddo ay degi rabtay, waxaana la dilay xilli uu dadka ku amraayeen in ay goobta ka guuraan sidda ugu dhaqsiyaha badan.

Ciidanka Ammaanka ayaa isla goobta ku toogtay wiilyar ee la sheegay in uu dilay Madaxa Shirkadda DP World ee Boosaaso.