DHAGEYSO:-Waa sidee xaalada magaalada jigjiga

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay tahay mid dagan.

Xiisadihii ka jiray magaaladaasi ayaa lagu soo warramayaa in la xaliyay, kadib markii ay ka wadahadleen madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha ismaamulkaasi Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo isku hayay dhinaca maamulka ayaa ka heshiiyay khilaaf soo kala dhexgalay.