DHAGEYSO+SAWIRRO:-Faahinta Qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Agagaarka xarunta Muqdisho Mall

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor dhow ka dhacay agagaarka Suuqa Ganacsiga ee Muqdisho Mall ee degmada Xamar Weyne.

Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada hor marta Muqdisho Mall iyo Baar Italia ee degmada Xamar weyne, gaar ahaan halkii la oran jiray Kuleejo del Sud oo ku dhow xarunta dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.