AKHRISO:- Wasiir Caadle Oo Sameeyay Xilka Qaadis Iyo Magacaabis

0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowlada Hoose Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Maanta waxaa Xilka looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan,iyadoon mid cusub lagu magacaabay.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Jawiil ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Cabduqaadir Cabdi Cabdullaahi,kaasi oo bedel u noqonaya Guddoomiyihii hore ee Degmadaasi.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiir Caadle laguma sheegin Magaca Guddoomiyihii hore ee degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan oo Maanta xilka qaadista lagu sameeyay.