AKHRISO:- Guddiga Tacliinta sare ee Puntland oo shir Garoowe uga furmay

0

Waxaa maanta hoolka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ka furmay Shir soconaya afar maalmod oo uga furmay Guddiga Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo uu soo magacaabay Sanadkii Hore Madax waynihii hore Ee Dowlada Puntland Prof: C/wali Mohamed Cali gaas.

Gudigan ayaa markii ugu horaysay kulan yeeshay oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw Ciise Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Mohamed Cali Faarax iyo Gudoomiyaha Gudiga tacliinta sare Puntland Prof Mohamed Cabdi Aadan iyo Xooghayaha Gudiga Tacliinta sare C/qani Axmed Faarax iyo qayb ka mid ah Xubnaha Gudiga Tacliinta sare iyo Jaamacadaha Puntland iyo jaamacada kenyata University khuboro ka socotay.

Shirkaan ayaa ahaa maanta ujeedadiisa in looga hadlo Xeerka Tacliinta sare, Xeerkan oo golaha Wakiiladu waxuu hormarinayaan Tacliinta sare, asaasidda aqoonsiga iyo Xukunka Tacliinta sare ee Puntland, yagleelida Guddiga Tacliinta sare, iyo u jeedooyinka la xiriira.