SAWIRRO:-R/wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Ganacsatada Dalka

0

Xasan Cali Khayre  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa xalay waxaa uu kulan  la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka Ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ganacsatada ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga ee xukuumadda Sooomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxaana kulanka looga hadlay muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ganacsatadu ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta Dhaqaalaha.

“Ganacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kulan uu ahmiyad u leeyahay Xukuumadda, maadaama Ganacsatadu ay yihiin u dub dhaxaanka ee Dalka.

Dawladda Soomaaliya ayaa ayaa wado dadaalo lagu  horumarinayo ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.