Howlgal Miino baaris ah oo ka socda G/Sh.dhexe.

0

Wararka ka imaanaya  degaano hoostaga Degmada Balcad Ee G/Sh/Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada militeriga ee halkaas ku sugan ay wadaan howlgallo miina baaris ah oo ay ka sameenayaan qaar ka mid ah waddooyinka soo gala degmada Balcad iyo deegaanada ka agdhow.

Deegaanka Yaaqle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee G/Sh/dhexe  ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada howlgalka ay ka wadaan, iyadoona wali aan la soo warin in ay heleen miino dhulka lagu aasay.

Qaar ka mid ah dad deegaan ayaa Sheegay in howlgalkan oo socda ay ka war heleen, saraakiisha Ciidamadana dhankooda  waxaa ay inoo sheegeen in howlgalkan miino baarista ah ay kaga gol leeyihiin nadiifinta waddooyinka gala degmada Balcad oo dhowr jeer oo hore ay Al-shabaab ay qaraxyo kula beegsadeen Ciidamada wadada ku socdaalaya.