DHAGEYSO:-Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday degmada Afgooye.

0

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar xoogan ku qaadeen bar Kontorool oo ciidamada xooga ay ka  leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada mukeyga oo ka tirsan degmada Afgooye, iyadoona halkaasi fariisamo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga dalka.

Dagaalka ayaa waxaa uu socday mudo kooban, waxaana degmada Afgooye laga maqlayay rasaasta ay isweedaarsanayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga oo ku sugaa kontoroolka laga soo galo degmadaasi.