AKHRISO:- Maraykanka Oo Sheegay In Gaabiska AMISOM Iyo Isku-Xir La’aanta Hay’addaha Ammaanka Ee Ka Shaqeeya Somalia Darteed Aan Hoos Loo Dhigi Karin Khatarta Alshabaab.

0

Taliyayaasha Sirdoonka ee dalka Maraykanka ayaa ka digay inay sii socon doonaan Khataraha Alshabaab ku hayaan dalalka Bariga Afrika sannadkan soo socda, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Warbixin ay Madaxda Sirdoonka Maraykanka soo saareen bishii na dhaaftay ee Janaayo 29-dii waxay ku sheegeen in dagaalladda lagula jiro Alshabaab aan la filaynin in hoos loo dhigo intay ay jiraan tartan Xulasho, Musuq iyo Isku-xirnaanta liidata ee u dhexeeya Hay’adda Ammaanka ee ku sugan gudaha dalka Somalia, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Warbixinta waxaa kaloo lag sheegay in 21,000 ee Askari ee Ciiddanka AMISOM oo 4,000 ka mid Kenyan yihiin aysan jeclayn inay qaadaan hawlgalo ka dhan ah Alshabaab, iyadoo ay foodda nagu soo hayso xilliga u qorsheysan inay Ciiddanka AMISOM ka baxaan Somalia sannadka 2021-ka.

Warbixinta ay isku soo duween Madaxda Sirdoonka ee dalka Mraaykanka waxaa kaloo lagu sheegay inaan falaanqeyn lagu samaynin waxyeelladda ay Duqeymaha Ciiddanka Maraykanka u geystaan Bartilmaameedyadda Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Milliteriga Maraykanka waxay sheegtaan inay boqolaal Alshabaab ku dileen guud ahaan duqeymihii dhinaca Cirka ee ay Somalia ka fuliyeen labadii sanno ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta Guud ee ay Madaxda Sirdoonka Maraykanka oo ka koobnayd 42-bog waxay dareenkooda khatarta Qaaradda Afrika ku soo koobeen hal bog, halka inta kale looga hadlay Khataraha Ammaanka ee Maaraykanka uga imaan kara dalalka Waqooyiga Kuurya, Raashiya, Dagaalamayaasha Islaamiyiinta iyo kuwa kale ee khatarta ku ah Danaha Maraykanka iyo dalalka Isbahaysiga la ah Maraykanka.